Waxaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho gabdho uu weerar ku qaaday shalay nin shacab ah oo Bistoolad ku hureysnaa, iyadoo kadibna ay xireen ciidamada Booliska.
Saddex gabdhood iyo wiil ee arrintan qabsatay oo muuqaalladooda si weyn loogu baahiyey baraha bulshada ayaa lagu xiray saldhigyo kala duran oo degmooyinka Gobolka Banadir ku yaalla, waxaana xalay laga sii daayey Booliska markii uu arrinta soo dhex galay Jeneraal Yuusuf Incha-cadde oo qaraabo la ahaa qaarkood.
Iyadoo la hadlay saxaafadda ayey sheegeen inay fikirkooda ay si nabadgelyo ah usoo bandhigayeen, kuna muujinayeen bannanabax nabadeed, balse uu nin dhar cad ah soo weerarray, kadibna la xiray.
Waxay sheegeen inay ka horjeedaan qaabka uu doorashada u wado Madaxweyne Farmaajo, ayna dalbanayaan Doorasho iyo xor iyo xalaal ah, iyadoo ku dooday inay xaq u leeyihiin inay bannaanbax nabadeed qabtaan.
