Waxaa sii koradhaya falalka afduubka iyo dilka ah ee Soomaalida loogu geysanayo dalka Kenya muddooyinkii ugu danbeeyay.
Dilkii ugu horeeyay ayaa horaantii bishan ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya markii gabar 19 sano jir ahayd oo lagu magacaabi jiray Najma Cabdullahi Macallin la waayey muddo sadex maalmood ah, kadibna dhaawac lagu helay, markii danbena isbitaalka ku geeriyootay.
Alaha u naxriistee, Najma Cabdullahi Macallin waxay ka mid ahayd ardaydii sannadkan ka baxday dugsiyada sare, waxaana meydkeeda oo ay ka muuqdeen dhaawacyo, laga helay deegaanka Bonje ee magaalada xeebeedka Mombasa ee Kenya.
Booliska ayaa qabtay haweeney lagu magacaabo Faa’isa Cali Xasan ku eedeeyean dilka Najma oo markii ugu danbeysay ay wada socdeen intii aa la waayin, waxaana kiiskaasi ku socda baaritaan.
Dhacdadii labaad ayaa ahayd markii xaafada Islii laga afduubtay laba Haween oo Soomaali ah, kadibna Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada, kaasoo oo ay ka soo muuqatay mid ka mida haweenkaas oo sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah.
Warbaahinta Kenya ayaa qortay in muuqaal ay duubtay kaamerada amniga, ay ka muuqdaan labada gabdhood oo xilli galab ah sii galayay dukaanka Xafsa oo Kabaha lagu iibiyo, kuna yaalla xaafadda Islii. Ka dib waxay isu raaceen xaafadda Kayole oo ah meeshii ugu war dambeysay.
Kiiskii ugu anbeeyay wuxuu soo baxay maanta markii la waayey Xafsa Cabdi Axmed oo ahayd gabar ka ganacsata khudaarta ka soo go’da beer ay iyada leedahay oo ku taalla deegaanka Bura oo ka tirsan Tana River, Gobolka Xeebta ee Kenya.
Hooyada gabadhan oo lagu magacaabo Shiindheys Sheekh Nuur ayaa Universal Somali TV u sheegtay: “Gabadheyda waxay ka shaqeyneysay beer Bura ku taalla. Aniga in ay qaraha ku maqantahay baan ogaa, waxaana maqlay in gabadha Nairobi lagu afduubtay. Waa la ii keenay sawirkeeda.”
Iyadoo oyneysa ayey tiri: “Qofkii i garanayo oo gabadhaas meel ku arka – waa la raadinaayaa oo dowladda way mahadsan tahay, garab bay i siisay – Muslim iyo gaalbo, qofkii arka ha ii keeno . Meyd iyo nolol, wixii lagu hayaba hala ii keeno gabadheyda, ha la ii keeno”, ayeyna tiri.
Xafsa Cabdi waxay dhiganeysay Jaamacad, waxayna ahayd qof isku filan oo shaqeysata. Waxaa la aaminsan yahay in lala afduubtay gabadh kale oo lagu magacaabo Xafsa Luqmaan.
Ilaa shan haween ah ayaa ku maqan magaalada Nairobi oo qaarkood afduub loo heysto, qaar kalena loo maleynayo in la dilay, iyadoo ay socdaan dadaallo kala duwan oo lagu raadinayo haweenkaasi Soomaalida ah.
