Monday, June 23, 2025

Galmudug oo beenisay Qoraal ay faafisay madaxtooyada Somaliya oo lagu taageeray Muddo kororsiga

Maamulka Galmudug ayaa beenisay qoraal ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsan war-saxafadeed wadajir ah oo ay soo saareen saddex maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo lagu taageeray muddo kororsiga Madaxtooyada iyo Aqalka hoose ee Baarlamanka.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay in warqadaan lagu been Abuurtay Galmudug, isagoo yiri: “Warqaddaan wax ka jiro malahan, waa been abuur, mowqifka Galmudug ee ku aadan muddo kordhinta waa uu cad yahay, waxaana si adag shalay uga hadlay Madaxweynaha Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye (Qoorqoor). Dalka xaaladda uu ku jiro waxaa looga bixi karaa Doorasho in loo dareero, laguna kor hadlo hishiiskii 17Sep…”.

Qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya diyaarisay ee Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, K/Galbeed iyo G/Banaadir lagu qoray ayaa ahaa mid lagu taageerayo muddo kordhinta halka dhinac ah ee ku dhaqaaqay Aqalka hoose ee Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday.

Ad

Lama oga inay madaxda Galmudug isku raacsan tahay arrintan, laakiin waxaa xaalad adag ku sugan Madaxweyne Ax,ed Qoorqoor oo dhowaan sheegay inuusan taageereynin muddo kororsi, balse doorasho la aadayo.

May be an image of text
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON