Wednesday, June 25, 2025

Galmudug oo dalbatay in Cadaado laga saaro Madaxda Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada [Go’aan Madaxweyne]

Madaxtooyada Galmudug ayaa dacwad ku soo oogtay madaxa Guddiga xalinta khilaafaadka ee Doorashada fadhigeeduna yahay magaalada Cadaado.

Qoraal laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa looga dalbaday Guddiga xalinta khilaafaadka inay la laabtaan madaxa wakiilka guddiga ee Cadaado oo ah haweeneyda lagu magacaabo Sahra Maxamed Maxamuud.

Galmudug ayaa si weyn uga carootay Qoraalada cabashada ah ee ay faafisay haweeneyda Guddiga xalinta khilaafaadka madaxda uga ah Cadaado, waxayna ku eedeeyeen inay qas iyo jaha wareer ka dhalisay maamulkooda.

Arrintan ayaa ka danbeysay kulamo xiriir ah oo magaalada Cadaado ku dhex maray Wakiilada Beesha Caalamka iyo Guddiga Doorashada, waxaana laga sugayaa jawaab guddiga xalinta khilaafaadka maadaama ay wadashaqeyntii kala laabteen xubintan muranka ka taagan yahay.

AKHRISO QORAALKA MADAXWEYNAHA GALMUDUG.

galmudug-war

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON