Galmudug ayaa si kulul uga hadashay go’aanka Puntland ee ku saabsan in gaadiidka ka baxa Koofurta Soomaaliya aysan geli karin dhinaca maamulka Puntland.
islamarkaana Gaalkacyo ay ku egyihiin,halkaas oo wixii xamuul ah ee ay wadaan ku wareejinayaan Gaadiid dhanka Puntland laga leeyahay.
Wasiirka Dastuurka Maamulka Galmudug Cusmaan Maxamed Cali ayaa Magaalada Gaalkacyo ka sheegay go’aanka Puntland uu yahay mid caqabad ku noqonaya Ganacsiga iyo isu socodka dadka Soomaaliyed.
Wasiirka ayaa is weydiiyay cidda Puntland u sheegtay in gaadiidka qaraxyada ka yimaadaan keliya Koonfurta Somaliya, wuxuuna ka digay in ficilada Puntland ay uga sii darayaan xaallada ammaanka deeganadooda.
Wasiirka Dastuurka Maamulka Galmudug wuxuu ugu baaqay Puntland inay ka fiirsadaan go’aanada ay qaadanayaan ee ku aadan suggida ammaanka.
Goobjooge.com