Maamul Goboleedka Galmudug ayaa taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee khilaafka kala dhaxeeyo Dalka Qatar.
War saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ee madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu is is barbar taagayo acuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo xiriir soo jireen kala dhaxeeyo Soomaaliya.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay go’aan ka gaartay 6-dii bishii June, iyadoo aan la tashanin dowlad goboleedyada Soomaaliya, waxay saameyn doontaa dhamaan Soomaalida oo dhan meel kasta” War-saxaafadeedka Madaxtooyada Galmudug.
War-saxaafadeedka oo wax badan kala mida kii dhowaan ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Shariif Xasan ayaa lagu sheegay in Shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka ee lagu qabtay Muqdisho ay ku wargeliyeen in Xukuumadda Soomaaliya aanay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadan karin arrimaha Khaliijka.
Galmduug ayaa Dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay dib u eegto mowqifkeedii ay ka qaadatay xiisada Khaliijka
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA GALMUDUG