Galmudug oo Qarka u saaran inay yeelato laba Baarlamaan iyo laba Madaxweyne [Abaabul ka socda Cadaado]

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya inuu maanta halkaasi tegay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo la socday.

Xubnaha uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey  ayaa ku sugnaa Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Cadaado.

Waxa kaloo magaalada Cadaado maanta ku wajahan Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ay la socdaan xidhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi, waxayna wararku sheegayaan inay Cadaado ka bilaaban doonaan shirar ay leeyihiin xidhibaannada maamulkaasi Garabka Cadaado oo la filayo inay xilalka ka qaadaan madaxweyne Xaaf iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxda Galmudug ayaa cirka isku shareeray markii Baarlamaanka Galmudug qeybta Ahlu suna ay shaaciyeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiye Cali Gacal Casir.

Maamulka Galmudug ayaa qarka u saaran inuu laba qeybood u kala jabo, iyadoo laga cabsi qabo inuu yeesho laba Baarlamaan iyo laba madaxweyne.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

108,371FansLike
568FollowersFollow
2,500FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

108,371FansLike
568FollowersFollow
20FollowersFollow
2,500FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!