Maamulka Galmudug ayaa shaaciyey inay si buuxda ula wareegeen magaalada Guriceel, isla markaana ay kooxdii ku duushay ay ka firxadeen magaalada.
Wasiirka Warfafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in muddo bil ah in kooxda dowlad -diidka ah e xambaarsan magaca Ahlu suna ay qabsadeen magaalada Guriceel, ayna sababeen qax iyo xaalad dhibaato fowdo ah.
Wuxuu sheegay inay saaka soo dagaal geliyeen ardayda dugsiyada qur’aanka iyo haween oo qaarkood la qabtay, wuxuuna sheegay in maleeshiyadii Ahlu suna uu firxadkooda u baxay Miyiga.
“Waxaa lagu raad joogaa raggii hoggaaminayey ee ka danbeeyay fal demnbiyeedkii ka dhacay Guriceel lagu raadjoogo.. waxaan u digeynaa cid kasta oo falalkaasi ku kacda in gacan bir ah lagu qaban doono..” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.
Arrintan ayaa timid markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa si buuxda ula wareegeeny gacan ku haynta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo maanta dagaal ku dhex maray Ahlu suna.
