Ciidamada Booliska Galmudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay Gaari laga soo dhacay dhinaca waqooyi ee magaalada oo ay lahayd wasiir ka tirsan Puntland.
Gaarigan oo ahaa nooca Landcruiser ayaa waxaa lahayd wasiir ku xigeenka wasaarada Haweenka Puntland Farxiyo yuusuf xirsi, waxaana dhacay darawalkeedii oo dhinaca Galmudug ula gudbay.
Taliyaha qeybta Booliiska Mudug ee Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar sheegay in gaariga oo si sharci darro ah u soo dhacay darawalkii wasiirada oo damacsanaa inuu ibsado, basle ay ka howlgaleen isla markaana Wasiirada gaarigeedii oo nabadqaba furihiisii gacanta laga saaray.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Haweenka Puntland Farxiyo Yuusuf ayaa u mahadcelisay ciidanka Booliiska Galmudug, sida ay hor tagaan falalka burcadnimada ah, waxayna bogaadisay wada-shaqeynta ciidamada Booliiska Galmudug iyo Puntland.
SAWIRRO