Sunday, July 13, 2025

Ganacsade Goor dhoweyd lagu dilay Magaalada Beledweyne iyo Faahfaahin

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay goor dhoweyd halkaasi ku dishay nin Ganacsade ahaa.

Dableyda hubeysan ayaa toogasho ku dishay Ganacsade lagu magacaabi jiray Cumar Yuusuf, kaasoo lagu dilay agagarka Buundo Liiqliiqato ee magaalada Beledweyne.

Waxaa goobta falku ka dhacay ka baxsaday dableydii dilka geysatay, iyadoo markaas kadib ay halkaasi gaareen ciidamada Amniga ee magaalada Beledweyne oo goobta ka qaaday meydka ganacsadaha la dilay.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa si joogto ah uga dhac falal lagu khaarijiyo askarta iyo dadka shacabka ah oo mudooyinkii danbe soo korortay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON