Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ganacsiga magaaladaasi u xiran yahay muran ka dhashay canshuur cusub oo Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland ku soo rogtay.
Ganacsatada Waqooyiga Gaalkacyo ayaa si weyn uga hor yimid canshuurta iibka oo wasaaradda Maaliyadda Puntland ku soo rogtay, taasoo markii hore laga qaadi jirtay kastamyada oo keliya, waxayna sheegeen inay dhiibi karin laba canshuur sida ay ku doodayaan.
Ganacsatada Waqooyiga Gaalkacyo ayaa joojiyey dhammaan ganacsigii, waxaana xiran oo xarumihii ganacsiga markii lagu guuleysan waayey in xal loo helo waanwaan u socoday labada dhinac.
Maamulka Puntland ayaan wax War ah kasoo saarin xaaladda ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo cabashada Ganacsatada.