Sunday, July 13, 2025

Gantaalkii Xuuthiyiinta Yeman ku rideen magaalada Riyaad oo Xiisad ka dhex qarxiyey Sacuudiga & Iiraan

Xiisad ka dhex oogan Sacuudiga iyo Iran ayaa sare usii kaceysa kadib markii Sacuudiga ay Iran ku eedeeyeen inay ka dambeysay gantaal laga soo tuuray dalka Yemen oo lagu qabtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha King Khaled ee magaalada Riyadh.

Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman ayaa Tehran ku eedeeyey “daandaansi milatari oo toos ah” ayaga oo, sida uu sheegay, gantaallo u qeybiyey Xuutiyiinta Shiicada ah ee Yemen.

Iran ayaa beenisay eedeymahaas, waxayna Sacuudiga ku eedeysay inay hoggaaminayaan isbaheysi Yemen ka geystay dhimasho iyo burbur.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen ayaa Isniintii xiray dhammaan xuduudihii hawada, dhulka iyo badda ee Yemen, si ay uga hortagaan in Xuuitiyiinta ay hub ka helaan Iran.

Xiisadda labada dal ayaa waxaa sidoo kale sare usii qaaday markii ra’iisul wasaaraha muddada fog xulufada la ahaa Sacuudiga ee Lebanon Saad Hariri uu is-casilay, isaga oo eedeeyey kooxda Xizbullah ee Iran ay taageerto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON