Monday, July 14, 2025

Garabka Xaaf oo magaalada Gaalkacyo ku doortay Guddoon Baarlamaan & Madaxweyne ku xigeen.

Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa looga dhawaaqay in Baarlamaan uu soo dhisay Madaxweynihii Galmudug ee waqtigiisu dhammaaday Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu doortay Guddoon cusub maanta.

Xareed Cali xareed oo hore u ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Galmudug ayaa loo doortay Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Garabka madaxweyne Xaaf, iyadoo doorashadu la sheegay inay ahayd gacantaag.

Dhinaca kale xildhibaanada Garabka Xaaf soo magacaabay ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa Madaxweyne ku xigeen u doortay Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye.

Ahlu suna iyo Xaaf oo hore isugu khilaafay Galmudug ayaa hadda ku dhaqaaqay dhismaha Garabyo Galmudug ay o taageerayaashood ay urursadeen, iyagoo doonaya inay wadahadal kula galaan dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON