Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xilliga uu shaqo bilaabi doono habeenkii Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad ayaa shaaciyay in garoonka duyuuradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loo dhameystirey nalalkii garoonka u saamixi lahaa inuu habeenkii shaqeeyo, isla markaana laga bilaabo maanta 30-ka July uu shaqeyn doono 16 saacadood maalin kasta.
Shaqada garoonka ayaa bilaban doonta 6:00 subaximo iyadoo socon doonta ilaa 10:00 habeennino, taaso lagu wargeliyay shirkadaha duulimaadka ee ka howlgala dalka.
Garoonka Muqdisho ayaan muddo dheer shaqeynin habeenkii marka laga reebo diyaaradaha ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka oo habeenkii ka duula garoonka.