Tuesday, June 24, 2025

Garoonka & isu socodka Caasimadda oo lagu dhawaaqay in loo xirayo caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo

Wasaarada Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya la xiri doono dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay wasaarada Gaadiidka ayaa lagu sheegay in 22-ka bishan oo loo asteeyay in la caleemo saaro madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo aanay jiri doonin wax duulimaadyo rayid ah.

Arrintan ayaa ka mida qabanqaabada xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub oo guddi ka kooban lix qeybood loo xilsaaray, waxayna cadaadis kale ku tahay shirkadaha diyaaradaha iyo dadka dhoofa.

Dhinac kale xaaladda ammaanka Muqdisho ayaa lagu wadaa in la adkeeyo iyadoo la xiri doono wadooyinka caasimadda sida uu ku dhawaaqi doono maamulka Gobolka Banaadir.

Doorashadii madaxweynaga ayaa sidoo kale la xiray garoonka Aadan Cadde iyadoo dadka Muqdisho ay muddo laba maalmood ah bandow ku jireen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON