Sunday, July 13, 2025

Garowe oo laga mamnuucay Shirarka Siyaasadeed & Hay’adii laga joojiyey kulankii Farmajo oo War soo saartay.

Maamulka Gobolka Nugaal oo ay hoos tagto xarunta maamulka Puntland ee Garowe ayaa soo saaray qoraal lagu mamnuucay in magaaladaasi lagu qabto shirar iyo kulamo aysan ka war-hayn maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga.

Warqadan oo lagu soo baxday wax yar ka hor xilligii uu dhici lahaa kulankii dadweyne ee lagu marti qaaday madaxweyne Farmaajo, balse la joojiyey ayaa lagu joojisay kulamada siyaasadda, iyadoo maamulka Madaxweyne Deni uu cadaadis ku hayey taageerayaasha madaxweyne Farmaajo, kana hor istaagay inay magaalada kusoo dhoweeyaan.

Xarunta Center For Policy Alternatives oo kulanka qabanqaabisay ayaa raaligelin siisaey dadkii lagu casuumay in kulankaas ay ka qeyb galaan, waxayse sababta uu kulankaas u baaqday lagu sheegay in waqtiga uu ciriiri ku noqday, taasoo ay meesha ka saareyso qoraalka kasoo baxay maamulka Gobolka Nugaal.

Kulanka oo lagu qaban lahaa Hotel Grand ee Garoowe madaxweyne, waxaa madaxweyne Farmaajo kula hadli lahaa dadweynaha, laakiin ma suuragelin waxayna hay’adda qoraalkeeda ku tiri: “Munaasabadii aan rabney in madaxweyne Farmaajo kula hadlo dadweynaha ee aan wadney qabanqaabadeeda waxay ku baaqatey in waqtiga uu cariiri noqdey madaama isla xaley shirar ka muhiimsan ay u socdaan madaxda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banadir , taas ayaa keentey in dib aan u dhigno kulankii xaley balse ma jirto cid kale naga joojisay” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xarunta Center For Policy.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON