Wednesday, June 25, 2025

Gen. Galaal oo shaaciyay Qorshaha isku-darka Maamulada Galmudug & Ahlu suna [Akhriso]

Jenenaraal Maxamad Nuur Galaal oo ka mida saraakiishii hore ee ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa shaaciyay qorshe lagu mideynayo maamulada Galmudug iyo Ahlu suna.

Jeneraalka oo shalay gaaray Magaalada Cadaado, lana kulmay madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in labada madaxweyne ee Galmudug iyo Ahlu-Sunna ay mabda’ ahaan isku raaceen in la mideeyo labada maamul.

Jen. Galaal wuxuu sheegay in Ahlu suna ay ogoshahay in labada maamul uu madaxweyne u noqdo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhowaan loo doortay madaxweynaha Galmudug.

Isagoo wareysi siiyay BBC-da ayuu Jen. Galaal caddeeyay in arrimaha la isku raacay ay ka mid tahay in la kala qaado hay’adaha dowladda, sida in xukuummaddu ku shaqayso magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb, halka baarlamankuna ku shaqeynayo magaalada Cadaado, iyadoo Garsoorkana loo wareejiyo magaalada Caabudwaaq.

Janaraal Galaal oo gacansaar la leh Ahlu suna ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf oo uu la socdo Sheekh Maxamad Shaakir uu kormeer ku mari doono Dhuusamareeb illaa Matabaan.
Sheekh Maxamad Shaakir-na uu booqan doono magaalada Cadaado.

Jeneraal Galaal oo ka hadlayay ciidamo Galmudug ah oo saaka qabsaday degaanka Mareergur ayaa sheegay inaanay ciidankaasi ka amar qaadan Madaxweyne Xaaf, isla markaana ay yihiin haraadigii Damuljadiid.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON