Monday, July 14, 2025

Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo War kasoo saaray Qarixii Magaalada Muqdisho

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan uu ka yeeshay xalay Qarixii Muqdisho ka soo saaray War cambaareyn ah.

Golaha o an u kala harin ayaa si xoog leh u cambaareeyay weerarkii Argagixiso ee 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dad shacab ah oo ku sugnaa isgoys aad u mashquul badan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay inay la murugoonayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas iyo dowladda Soomaaliya. Golaha ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno kuwii ka danbeeyay falkaa fuleynimada ah.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in ficilada argagixiso ay qatar ku tahay nabadgelyada iyo ammaanka Caalamka. Waxayna dalalka xubnaha ka ah Q/Midoobay ugu baaqeen inay Soomaaliya ka taageeraan la-dagaalanka argagixisada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON