Monday, June 23, 2025

Golaha Amniga oo Dowladda Somaliya ka dalbaday inay degdeg u qabato Doorasho xor iyo xalaal ah

Golaha Ammaaka Qaramada Midoobay oo xalay sanad dheeraad ah xilka u cusbooneysiiyay Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa madaxda dowaldda Soomaaliya ka dalbaday inay qabtaan Doorasho xor iyo xalaal ah, oo degdeg ku dhacda, iyadoo aan waqti kale la lumin.

Qaraar ay soo diyaariyey UK ayaa si guud ahaan ah loogu codeeyay, wuxuuna Golaha Amniga walaac ka muujiyey xaaladda Soomaaliya iyo halista kooxaha hubeysan ee Alshabaab ka mid tahay, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya laga rabo inay qeyb ahaan la wareegto Amniga dhammaadka 2021, halka sanadka 2023 laga doonayo inay gebi ahaan ciidamada Soomaalida ay AMISOM kala wareegaan amniga.

Golaha Amniga ayaa ka walaacsan dib u dhaca dhammeystirka Doorashada ee la filayo inay sanadkan dhacdo; wuxuuna dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ugu baaqay inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu qanciyo karo, loona dhan yahay, taasoo ku dhisan heshiiskii 17 September 2020.

Ad

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu cadaadinayaa inuu la yimaado qaab doorasho wadar ogol ah lagu qaban karo, iyadoo lagu eedeynayo inuu si ulakac ah dib ugu dhigayo Doorasho si uu kursiga u sii joogo ama dib loogu doorto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON