Monday, June 23, 2025

Golaha Amniga Q/Midoobay oo diiday Qaraar ay u gudbisay Dowladda Kenya oo ku saabsanaa Alshabab

Dowladda Kenya ayaa ku fashilantay qaraar ay hor geysay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ku saabsanaa in Alshabaab lagu daro Liiska Argagixisada Q/Midoobay.

Qaraarkan oo ujeedkiisu ahaa in Alshabaab la hoos geeyo Liiska qaraarka 1267, waxayna Kenya iskeed u diyaarsatay iyadoo aan kala tashan dowladda Somalia dacwad dhinac xuduudka Badda ah ay kala dhexeyso, waxaana oo ayaa markii cod loo qaaday heli waayey taageeradii loo baahnaa in lagu meel mariyo, waxaana sidaasi shaaciyey wakiilka Somalia u fadhiya Q/Midoobay Danjie Abuukar Daahir Cusmaan.

“Waxaan bogaadinayaa xubnaha Golaha Ammanka ee diiday qoraalkii aan qiilka lahayn ee 1267 ee Alshabab gelinayey liiska, waxaan ku boorinayaa dowladda Kenya inay dhaqan geliso qaraarkii hore u jiray ee tirsigiisu ahaa 751 ee laga soo saaray Alshabaab, oo ay ku jirto in lagu mamnuucay ganacsiga sharci-darrada ah ee dhuxusha oo ah halka ay ka helaan dhaqaalaha ay Alshabaab ku fuliyaan howlgalladooda..” ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle.

Ad

Qaraarkan waxaa kaloo ka hor yimid ururrada samafalka caalamiga ah ee dunida oo qoraal wadajir ah u diray Xoghayaha Guud iyo dalalka xubnaha ka ah Golaha Amaanka, iyadoo sheegay in qaraarka ay Kenya wado uu dembi ka dhigayo in loo gargaaro dadka ku nool meelaha ay Alshabaab ka taliyaan.

Madaxtooyada Somalia ayaa dhinaceeda soo dhoweysay qaraarka ay wadatay dowladda Kenya ee uu diiday Golaha Amniga Q/Midoobay inuu meel mariyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON