Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta wadahadal gaara oo albaabada u xiran yihiin ka yeelanaya khilaafka dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Shirkan oo aan hore ugu qorsheysneyn Golaha Ammaanka ayaa waxaa ku baaqay oo xubnaha Golaha isugu yeeray Dowladda Ingiriiska, waxayna warbixinta xaaladda Soomaaliya ka dhageysan doonaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan sida uu xaqiijiyay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.
“Wadahadal niyadsami ah wuxuu ahmiyadda ugu horreysay siinayaa baahida dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan in Soomaaliya loo oggolaado inay ku sii socoto wadada xassilloonida iyo dib-u habeynta” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.
Wada-tashiga Golaha Amniga ee arrimaha Soomaaliya ayaa dhici doona, marka uu dhamaado shirarka ay Golaha Amniga maanta ka yeelanayaan arrimaha dalalka Afghanistan iyo Lubnaan.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa todobaadkan si gooni-gooni ah ula kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Maxamed oo booqasho rasmi ay ku soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqday inay xiisadda yareeyaan, laakiin waxaa kasii daray khilaafka oo gaaray heerkii ugu xumaa.
