Tuesday, June 24, 2025

Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo War kasoo saaray Xiisada Magaalada Beledweyne. [Akhriso]

Golaha Badbaadada Hirshabeelle ayaa Bayaankan ka soo saaray  Mashaqada ka dhacday shalay duleedka Magaalada B/weyne (Kalabeeyrka) taasoo ay ka dhasheen dhimasho sarkaal iyo dhaawac.

HOOS KA AKHRISO QODOBADDA WAR-SAXAAFADEEDKA

  • Golaha  Badbaadada Hirshabeelle wuxuu canbaaraynayaa kana  ka tacsiyeeyn dilka naxdinta leh ee loo geeystay G/dhexe Maxamed Macoow Xalene Taliyihii Qeybta Booliska Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan,  Marxuumka waxan eebbe ugu baryeeynaa Janadii fardowsa  sidoo kalana samir iyo iimaan inuu ka siiyo qoyskiisii, Ciidamada Qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Dhanka kale Goluhu wuxuu EEBBE uga baryayaa Caafimaad degdeg Taliye ku xigeenkii Booliska Hirshabeelle  ee Qeybta Hiiraan  L/Xidigle Bashiir Cadaani Axmed oo dhaawac ka soo gaaray mashaqada kalabeyr. 
  • Golaha Badbaada Hirshabelle waxaa uu u mahad celinayaa Madaxwynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo magacaabay guddi sare oo baaris  ka soo sameeya mashaqada ka dhacday Kalabeyr oo uu Gudoomiye u yahay Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/guud. Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo khibrad sare oo baaris iyo haybad ciidan leh. 
  • Golaha badbaada Hirsabeelle wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa Wasaarada Amniga Qaranka oo talaabo wax ku ool ah u qaaday kulana howlan sidii xasarada loo dejin lahaa. 
  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu bogaadinayaa dadaalka Odyaasha Dhaqanka iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ciidamada Qalabka sida iyo AMISOM ee ay ku dajinayaan xaaladda.
  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu aaminsan yahay in dhibaatada ka dhacday Kalabeyr ay  sabab u tahay fashilka siyaasadeed ee Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo  Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe)   iyagoo qiyaasi waayay mugga mushkilada ay ka abuureen Gobolka Hiiraan, waqtigii ku haboonaana tagi waayay Magaalada B/weyne si ay u xaliyeen isqabqabsiga maamul iyo sharaciyadeed.   
  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle  wuxuu aaminsan yahay inaan xal, iyo xasilooni siyaasadeed iyo  horumar  la gaari karin intii Maamul Goboleedka Hirshabeelle ay hogaaminayaan Madaxweyne Waare iyo Madaxweyne ku xigeen Cali Guudlaawe sidaa darted wuxuu Goluhu ugu baaqayaa Barlamaanka iyo Duubabka Hirshabeelle, Gudiga barista iyo xaqiiqo radianta,  Dowladda Dhexe ee Federaalka in loo baahan yahay  xal guud ee aan loo baahneyn xal qaboojin ah oo ku meel gaar ah (Qandho jebiye) oo ay mashaqooyin kale oo ka xanuun badan xig xigaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON