Wednesday, July 2, 2025

Golaha Milateriga Sudan & kooxaha Mucaaradka oo ku heshiiyey dhismaha Dowlad Wadaag ah

Golaha Mialteriga ee ka taliya dalka Suudaan ayaa heshiis awood qeybsi ah la gaaray Isbaheysiga Mucaaradka dalkaasi, kadib muddo is mari waa’ ah oo labada dhinac ay isku heysteen awood qeybsiga.

Labada dhinac oo kulan yeeshay kadib dhexdhexaadin ay wadeen Midowga Afrika iyo dalka Itoobiya ayaa ku heshiiyay dhismaha dowlad wadaaag ah oo muddo saddex sano ah xilka heyn doonta oo ka kooban Gole ka taliya dalkaasi, Gole Dasturi ah iyo xukuumad laga soo magacaabi doono dadka dadka aqoonyahannada ah, waxaana heshiiska la gaaray shaaciyey wakiilka Midowga Afrika ee Suudaan.

Waxaa kaloo labada dhinac ku heshiiyeen in baariraan lagu sameeyo rabshadihii lagu laayey dadka bannaanbaxayaash ah weerarkii lagu eedeeyay ciidamada gurmadka degdega ah. Heshiiskan kadib ayaa waxaa waddooyinka isugu soo baxay dadweyne heshiiska ku faraxsan.

Xaaladda dalka Suudaan ayaa cakirneyd tani iyo marka xilka laga tuuray madaxweynihi hore ee Suudaan Omar al-Bashir bishii April ee sanadkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON