Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kadib byyqa hareeyay fadhiga.
Kulanka waxaaguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana goobjoog ka ahaa 277 xildhibaan, laakiin ka hor ansixinta ayaa waxaa buuq iyo fowdo fadhiga ka sameeyay qaar kamid ah Xildhibaannada oo dalbanayay in codeynta Xukuumadda laga dhigo qarsoodi, balse Guddoomiye Shekh Aadan Madoobe uu diiday dalabkaasi.
Fodeo iyo haeeyay Buuq Golaha shacabka, kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa amray in la bilaabo codeynta, isagoo diiday in Mooshin ay wadeen oo ahaa in codka qarsoodi laga dhigo, wuxuuna ku tilmaamay mooshinkaasi mid sharci darro ah.
Codeyntii gacnatagga ahaa ee loo qaaday waxaa ansixiyey oo ogol ugu codeysay xukuumadda 229 xildhibaan, halka ay dideen 7 xildhibaan, waxaana ka aamusay hal xildhibaan oo kaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shaaciyey inay ansax tahay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana isla goobta lagu dhaariyay Golaha Wasiirada cusub Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 75 xubnood.
