Saturday, April 20, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal Qoraal ah ka helay Amiirka Dalka Qatar iyo socdaal..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin qoraal ah ka helay Amiirka dalka Qatar, taasoo uu soo gaarsiiyey safiirka dalka Qatar u jooga Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Xasan Binu Xamsa Haashim ayaa Villa Somaliya kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa gaarsiiyeyMartiqaad uu k siday Amiirka dalkiisa Tamiim binu Xamad Al-thani.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wadahadaly xiriirka labaad ee Somaliya iyo Qatar, isagoo uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fuliyeen gudaha dalka, isagoo rajeeyey in dhambaalkan iyo booqashada rasmiga ah ee uu ku tagayo dalkaas ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Ad

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Xasan binu Xamsa Haashim ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha aqbalaadda martiqaadka uu u soo diray Amiirka Qatar, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa nuxurkiisu yahay sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo xoojiinta xiriirka labo-geesoodka ah ee labada dal, kaasi oo ku dhisan walaaltinnimo iyo wax-wada-qabsi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON