Tuesday, October 4, 2022

Mahad Salaad oo isbedello qarsoodi ah ku wada Hay’adda NISA iyo saraakiil cusub oo la magacaabay

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa sii wada isbedellada uu ku sameynayo Hay’adda NISA, kadib shan sano oo ay gacanta ku hayeen saaxiibada Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wararka la helay ayaa sheegaya in isbdedelkii ugu danbeeyay xilka looga qaaday qaar ka mida saraakiisha hoggaanada kala duwan ee hay’adda NISA oo xiriir dhow la lahaa Agaasimihii hore Fahad Yaasiin.

Agaasinka Arrimaha Dibadda ee Hay’adda NISA ayuu Mahad Salaad u magacaabay Sarkaal cusub oo ka mid ahaa Hay’adda, iyadoo laga qaaday xilkaasi Liibaan Kediye oo gacanyare u ahaa Fahad Yaasiin, dalkana ka baxay xilligii doorashada madaxweynaha kadib.

Ad

Dib u habeynta Hay’adda NISA ayaa si hoose ku socota, iyadoo Hay’addani ay weli ku dhisan tahay sharcigii dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre, waxaana madaxweyne kasta u dhiibaa saaxiibada ugu dhow.

Hore wuxuu agaasime Mahad Salaad xilka Kaaliyaha Maamulka Hay’adda NISA u magacaabay Cabaas Yacquub oo ka mid ahaa saraakiisha ugu dhoweyd Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, tallaabadaas oo loo arkay mid wanaagsan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,004FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON