Aqalka hoose ee Golaha Shacabka ayaa kulan gaara isugu yeeray xildhibaannada, kaasoo uu dalbaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kulankan ayaa xildhibaanada looga codsaday inay soo xaadiraan maalinta Sabtida ee 1-da May 2021 oo ku beegan Sabtida oo ahayd fasax, maalinta shaqaalaha darteed, laakiin fadhigan looga hadlayo arrimo xasaasi ah.
Qoraal uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Baarlamaankii 10-aad ee Golaha shacabka ayaa loo diray xildhibaannada, waxayna arrintan ka dambeysay markii Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda saddexda maamul Goboleed ee Hirshabeelle, Galmudug iyo K/Galbeed ka hor yimaadeen Muddo kororsigii Farmaajo iyo Aqalka Hoose.
Kulanka ayaa lagu wadaa inuu Maxamed Farmaajo khudbad u jeediyo si meesha loo soo celiyo heshiiskii doorashada ee 17-kii Septembar ay gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
HOOS KA AKHRISO
