Wednesday, July 2, 2025

Golaha Wakiilada Mareykanka oo Cod ku ansixiyey xil ka qaadista Madaxweyne Donald Trump (AKhriso)

Golaha Wakiilada Koongareeska mareykanka ayaa goor dhoweyd u codeeyay in xilka laga qaado Madaxweyne Donald Trump oo xilkiisa ay ka hartay 5 maalmood oo kaliya.

Codkii loo qaaday eedeynta loo jeediyey Madaxweyne Trump ee ah inuu kiciyey Rabshado keenay in taageerayaashiisa ay qabsadaan xarunta Koongareeska ee magaalada Washington ayaa waxaa u codeeyay mudanayaal ku filan oo gaaraya ugu yaraan 217, taasoo ka dhigan in Golaha Wakiilada Mareykanka uu markii labaad u codeeyay xil ka qaadista Trump.

Mudanayaasha u codeeyay mooshinka xil ka qaadista Trump ayaa waxaa ka mida 10 ka tirsan xisbiga Jamhuuriya ee Trump, waxaana qaraarkan loo gudbni doonaa Golaha senet-ka Mareykanka oo u codeyn doona, iyadoo haddii ay taageeraan xil ka qaadistiisa ay mamnuuc ka noqon doonto inuu qabto xil federaal inta harsan noloshiisa.

Donald Trump ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay tarikhda Mareyanak ee muddo laba jeer ah Mooshin xil ka qaadis ah loo qaado.

Guddoomiyaha Aqlabiyadda Jamhuuriga ee Aqalka Senet-ka ayaa sheegay inuusan Aqalka Odayaasha kulmi karin inta ka horeca 20-ka Janaayo, taasoo ka dhigan in mark uu Donald Trump xilka ka dego kadib ay cod u qaadi doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON