Sunday, July 13, 2025

Golaha Wasiirada Itoobiya magacii ka bedelay Xaruntii Akadeemiyada ee Meles Zenawi (Maxaa socda..?)

Golaha Wasiirada dalka Itoobiya ayaa ansixiyey qaraar magaca looga bedelayo xaruntii Akadeemiyada Hoggaanka ee Meles Zenawi, magaalada Adis abnaba.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa arrintan la hor keenay, waxaana Golaha Wasiirrada Itoobiyaa y maanta taageereen in la beddelo magaca ‘Akadeemiyada Hoggaanka ee Meles Zenawi’ iyadoo loo bixiyey ‘Akadamiyadda Sare ee Hoggaaminta Afrika’.

Bedelka magacan ayuu sheegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya inay weheliso in Akadeemiyadda su taagto sidii hay’ad waxbarasho oo heer sare ah oo kobcinaysa fikradaha koritaanka ee leh awood ay ku buuxiso baahiyaha hoggaanka Qarniga 21aad.

Abiy Ahmed oo dagaal culus ku qaaday Gobolka Tigray ayaa sii wada inuu hay’adaha iyo xarumaha dowladda Itoobiya ka sifeeyo raadkii Tigreega ku reebeen muddo 30 sano ah oo ay Itoobiya xukumayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON