Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda xilka sii heysa ayaa maant lagu anixiyey magacaabidda shanxubnood oo ka mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka ee dalka.
Golahan oo Shacigiisa Baarlamaankii hore sameeyay ayaan lagu guuleysan in la dhiso muddo ka badan 7 sano, isagoo arrimo badan ay hor taagnaayeen, balse waxaa maanta la magacabaay 5 xubnood oo lagu soo beenay xilli xukuumad rasmi ah aysan jirin oo dhowaan uu xilka iska casilay Ra’iisal Wasaarihii hore.
Shanta xubnood e Golaha Wasiirada xilka sii haya ay magacaabidooda ansixiyeen ayaa kala ah:
1- Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi
2- Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis)
3- Cabdullaahi Cali Cismaan
4- Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani)
5- iyo Ifraax Maxamuud Cumar
Ma cadda sharci ahaan sida Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo u magacaabi karo 5 xubnood oo ka mida Golaha Adeegga Garsoorka, isagoo kaliya awood u leh 3 xubnood, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, waxaana la yaab leh inay ansixiyaan karaan Gole Wasiiro oo xilka sii haya.
