Sunday, July 13, 2025

Golaha Wasiirada oo ansixiyey magacaabidda Shan Safiir oo cusub. [Akhriso Magacyada Danjireyaasha]

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey shan safiir oo cusub, kuwaasoo loo dalacsiiyey xil safiirnimo.

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay xubnaha kala ah: Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhimbil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire, waxaana ka mida Xasan Daahir oo ahaa mas’uul ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ee taliya Somaliland oo dhowaan yimid Muqdisho iyo Maxamed Cali Mire oo la dhashay xildhibaan C/shakur Cali Mire.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyey laba hindise sharciyeed oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska, kuwaasoo kala ah: Hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON