Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah hadda ku leh xaruntooda madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, kadib markii la isugu yeeray.
Kulankan oo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada ayaa la sheegay in looga hadlayo xaaladda amniga magaalada Muqdisho iyo sidii wax looga qaban lahaa, iyadoo wasiirada ku sugan Muqdisho ay shirka ka qeyb galayaan.
Kulanka degdega ah ee Golaha Wasiirada la isugu yeeray ayaa daba jooga kulankii Baarlamaanka ee maanta baaqday oo xildhibaano ka horjeeda xukuumadda ay geeyeen mooshin ku saabsan xaaladda amniga ee sii xumaatay caasimadda.
Lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka, waxaana xukuumadda Kheyre looga bartay inay la timaado tallaabooyin ka hordhacaya qorsheyaasha baarlamaanka.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa maanta booqday xerooyinka ciidamada milateriga oo la sheegay inay howlgal ku qaadi doonaan Alshabaab si looga xoreeyo degaanada ay heystaan.