Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la shaaciyey in lagu ayiday go’aanadii ay qaadatay xukuumadii xil gaarsiinta ee uu hoggaaminayey Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Kadib kulanka Golaha Wasiirada waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubble oo sheegay in shirkii Golaha Wasiirada ee maanta looga hadlay laba qodob oo waaweyn oo kala ah:
1- In si weyn loo aqlabiyad ah loo ayiday go’aanadii iyo heshiisyadii ay gaartay xukuumadii xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed hoggaaminayey.
2- In lagu ansixiyey Miisaaniyadda sanadka 2021, iyadoo lagu lifaaqay kharashka Doorashada, iyagoo loo gudbin doono Golaha Shacabka.
Miisaaniyadda Sanadka 2021 ayaa gaareysa $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah, Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.
Xukuumadii xil-gaarsiinta ee shaqeyneysay Ogost iyo September ayaa ansixsay guddiyo, heshiiyo iyo go’aanpo mugdi badan ku jiro oo ay sharci darro ku tilmaameen madaxda mucaaradka iyo sharci-yaqaannada dalka.
