Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay inay xilka ka qaadaan Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin(Siraaji).
Xil ka qaadista xisaabiyaha ayaa ka timid Wasaaradda Maaliyadda oo Wasiirkeeda C/raxmaan Beyle uu sheegay in aad loogu baahan yahay bedelka xisaabiyaha si loo dardar geliyo in wasaaradda ay la jaanqaado shuruuudaha uu dhigay Bankiga adduunka.
Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta ayaa isku raacay in xilka laga qaado Xisaabiyaha Guud, iyadoo la magacaabay Xisaabiye Guud oo cusub oo ah haweeney lagu magacaabo Faadumo Cusmaan Faarax.
Xisaabiyaha xilka laga qaaday ayaa si weyn saaxiib ula ahaa madaxweynihii hore Xasan Sheekh, waxaana la rumeysan yahay inuu arrimo badan u fududeeyay dowladii hore oo hanti badan lagu qaatay.