Monday, July 14, 2025

Golaha Wasiirada oo Xuquuq Gaar ah u ansixiyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay markii ugu horeysay xuquuq uu yeelanayo madaxweyihii hore ee Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirada ee ku qabsoomay maanta magaalada Kismaayo ayaa looga dooday sharci xuquuq u sameynaya madaxda hore ee dalka soo maray, kaasoo ka bilaabanaya madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh oo heli doona doona xuquuq joogto ah.

Xuquuqda waxaa ka mida kharash loo qoondeynayo isaga xaasaskiisa iyo carruurtiisa, shaqaale u gaara, gaadiidkiisa iyo bixinta safaradiisa shaqo ee dibadda, waxaa kaloo ka mida mushaarka ciidamo ilaaliya.

Xasan Sheekh ayaa hore uga faa’iideystay qodob Dastuuri ah isagoo noqday xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka, waxaana arrinta xuquuqda dheeraadka ah loo arkaa mid sii xoojineysa madaxweynaha hore oo hadda degan dalka Turkiga.

Xasan Sheekh : Xilligii ololaha dib u doorashada xilka Madaxweynaha

Dad badan ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo madaxda kale ee dalka soo mara kui tilmaama kuwo ku takri fala awoodda dalka oo u baahan in baaritaan lagu sameeyo intii ay xilka hayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON