Wednesday, June 25, 2025

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo ansixiyay Sharci quseeya Hubka

Golaha Wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa shirkoodii maanta ku ansixiyay sharciga xakameynta Hubka wax dila.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa weriyeyaasha u sheegay in Golaha Wasiirada ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen sharciga xakameynta hubka wax dila.

Sharcigay ayaa ka mida ilaa labaatameeyo sharcigan oo  wasaaradaha xukuumadda ay soo diyaariyeen, waxaana soo qortay Wasaaradda Amniga gudaha, iyadoo la horgeyn doono Golaha Shacabka.

Sharcigan ayaa qeyb ka ah dadaalka xukuumadda ku dooneyso in wax looga qabto xaaladda nabadgelyada iyo hub ururinta, waxaana muran weyn ka taagnaa qorshihii xasilinta ammaanka caasimadda.

Dhinaca kale kulankii Golaha Wasiirada ayaa isla maanta lagu ansixiyay sharciga maareynta maaliyadda oo Wasaaradda maaliyadda ay soo diyaarisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON