Tuesday, June 24, 2025

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo ansixiyey Miisaaniyadda 2019 [Akhriso kororka Dakhliga]

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019.

Miisaaniyadda la soo bandhigay ee 2019 ayaa gaareysa US$ 340,060149 (Saddex Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun, Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar), wuxuuna Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle sheegay in kulanka Golaha Wasiirada si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda.

Miisaaniyadda 2019 ayaa lacag gaareysa  65 Milyan oo doolar ka badan Miisaaniyaddii sannadkii hore 2018 oo ahayd 274.6 Milyan. Wasiir Beyle sheegay in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2019 ay ugu weyn tahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyadda ay maanta ansixisay waxa ay u gudbinaysaa golaha Baarlamaanka oo ka doodi doona. Dhaqaalaha loogu talagalay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyo.

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 4 people, people sitting and suit

Image may contain: 1 person, standing, suit and indoor

Image may contain: 5 people, people sitting and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON