Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qabanqaabada shirka Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyadad dalka, iyadoo uu xalay baaqday kulan casho sharaf ahaa oo Madaxtooyada ka dhici lahaa.
Shirkan oo in muddo ah dib u dhacay markii horena ku koobnaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayay shuruud uga dhigeen inuu noqdo shir guud oo dhammaan madaxda shanta maamul goboleed ay ka qeyb galaan, taasoo keentay inuu Madaxweyne Farmaajo casuumaad u diro.
Shirkan ayey Madaxtooyada Soomaaliya shaacisay in looga hadlayo dhammeystirka Heshiiskii Dorashada Dhuusmaareeb III oo ay qaadaceen madaxda Puntland iyo Jubaland, waxaana lagu wadaa inuu ugu danbeyn Galabta ilaa Caawa ka furmo Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga caasimadda Muqdisho, iyadoo la xiray wadooyinka gala Madaxtooyada Soomaaliya oo si aad ah loo koobay isu socodka dadka iyo gaadiidka, kadib qarax is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay Bar laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
