Beesha Caalamka ayaa dadaal xoog leh ugu jirta qabanqaabada shirkii wadatashiga Madaxda dowladda Federaalka iyo Mamaul Goboleedyada ee muddo saddex jeer ah baqday.
Shirkan oo lagu waday inuu Muqdisho ka dhaco, balse ay shuruudo ku xireen Madaxda maamul Goboleedyada Puntalnd iyo Jubbaland ayaa warar soo baxay sheegayaan inuu ka dhacayo xarunta Xalane aakhirka toddobaadkan, iyadoo lagu saxiixayo heshiiska Guddiyada Farsamada ku gareen Baydhaba.
Afhayeenka xukuumadda Maxamed Macalimuu ayaa goor dhoweyd sheegay in dhawaan la filayo in uu Muqdisho ku qabsoomo kulankii u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada dalka si loo dhameystiro Hishiiskii 17-ka Siteembar 2020, isagoo aan sheegin xilliga.
Shirka waxa caqabad ku ahaa qodobo ay la yimaadeen Madaxweynayaasha Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam oo dalbaday in shirku ka dhaco goob dhexdhexaad ah iyo in Beesha Calaamka ay damaanad qaado; iyadoo dhinac kale madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka hor yimid in Midowga Musharixiinta laga qeyb geliyo shirkaasi.
