Taliyaha Booliiska Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa ku gacan seyray xil ka qaadis ay ku sameeyeen Guddiga Amniga Gobolka Bari.
Guddiga Amniga Gobolka Bari ayaa soo saaray amar ay shaqada uga joojinayaan Taliyaha Booliiska Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen iyagoo sabab uga dhigay xaaladihii amni darro ee muddooyinkii danbe ka taagnaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen.
Taliye Cabdixakiim ayaa sheegay Guddiga amnigu shaqada ka joojin karin isagoo sheegay inuu shaqadiisa si caadi ah u wato, isla markaana aanay jirin xil ay ka qaadi karaan Guddi. Waxayna wararku sheegayaan in is mari waaga arrintan lala sugayo Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA