Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta hortegay Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka.Kulanka waxaa sidoo kale wasiirka ku wehliyay ku simeyaasha, ahna ku xigeenada taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda Soomaaliya, iyadoo warbixin looga dhageystay xaaladda ammaanka Muqdisho iyo qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay caasimadda.
Waxaa kulanka guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh, iyadoo su’aalo badan lagu weydiiyay wasiirka amniga iyo labada taliye ku sime.
Wasiirka Amniga ayaa faafhaahin ka bixiyay baaritaanka lagu hayo qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, isla markaana isla xisaabtan uu jiro, iyadoo dad loo qabtay, maleeshiyadii weerarka geysatayna qaarkood la hayo.
Warbixinta Wasiirka ayaa kadib ayaa su’aalo adag la iska weydiiyay xaaladda ammaanka, waxaana guddiga amniga uu wadaa sidii xukuumadda loogula xisaabtami lahaa xaaladda kasii dareysa ee ammaanka.
SAWIRRO