Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay kulan degdeg ah oo waqti qaatay la yeeshay xubno ka mida Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo looga hadlay xaaladda ka taagan Gobolka Gedo iyo xiisadda ka taagan Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa u yeeray Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Dibadda markii ay Guddiga difaaca tageen xalay xafiiska Ra’iisal Wasaraaha, iyadoo looga dooday xaaladda kasoo korortay xuduudka Kenya iyo qeylo dhaanta kasoo yeeraysa dadka degmada Beledxaawo.
Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka mida Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ayaa sheegay in arrinta ay isha ku hayaan xaaladda xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, ayna ka wadahadleen madaxda sare ee labada dal, dadaalna loogu jiro in la hakiyo dhismaha Derbiga.