Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa su’aalo adag u diray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka, iyadoo ka dalbaday inay muddo toddobaad ah jawaab uga soo bixiyaan.
Qoraalkan oo saxaafadda loo dusiyay ayaa xambaarsanaa su’aalo ku saabsan musuqmaasuqa lagula kacay Saadkii Ciidanka Danab ay ugu deeqday Dowlada Maraykanku, waxaana laga rabo inay wasiirka iyo Taliyaha kasoo jawaabaan ka mida: cidda ka mas’uul ah musuqmaasuqa Saadka, Natiijada baaritaanka iyo magacyada shaqsiyaadka ku eedeysan.
Sidoo kale waxay Guddiga Difaaca Baarlamaanka jawaab ka rabaan sababta ka dambaysay in la jaro mushaharki iyo saadkii Ciidanka Isu- taga-Imaaraadka Carabtu damaanad qaadeen.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA DIFAACA BAARLAMAANKA
Ku: Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga JFS
OG: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
OG: Guddomiyaha Baarlamaanka JFS
Ujeedo: Soo Gudbin War-bixin Xaaladda musuqmaasuq ee ka dhex jirta Ciidanka Xoogga Dalka
Guddiga Difaaca oo gudanaya waajibaadkiisa ku xusan Dastuurka ku-meelgaarka ah Qodobkiisa 69aad Farqadiisa 2aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Qodobkiisa 34aad, kuna saabsan kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka Wasaaradda Gaashandhiga iyo Taliska Xoogga Dalka.
Guddiga oo ka duulaya war saxaafadeedkii Wasaaradda Gaashaandhiga ee ku taariikhaysnaa 25/04/2024 ujeedkeedkiisuna ahaa qirashada musuqmaasuqa lagula kacay garaamkii loo qoondeeyey Ciidanka Danab, kaas oo ay ugu deeqeen Dowlada Maraykanku (US).
Ka dib markii Guddigu yaqiinsaday in dhacdadaasi tahay ayaan darro lagula kacay Ciidankii difaacayey gobanimada iyo karaamada qaranka, dagaalka adagna kula jiray cadowga khawaariijta. Waxa cadaatay in garaamki loogu talo galay la musuqmaasuqay loona maamulay si baal marsan nidaamka iyo haykalka dowladnimada.
Taasina dhabar jab iyo niyad xumo ku tahay wiilasha iyo gabdhaha dhiiggooda iyo naftooda u huray waddankooda. Haddaba, Guddigu waxay halkan kuugu soo gudninayaan su’aalo la xiriira dhacdadan saamaynta ku yeelatay qaranka. Waxaana lagaa sugayaa in mudo 7 cisho gudahood ah aad qoraal uga soo jawaabtaan;
1) Yaa ka mas’uul ah musuqmaasuqa sababay in la jaro taageeradii ciidanka Danab ee Mareykanku bixinaayey? Soo gudbiya baaritaan kasta oo arrinkan lagu sameeyay, natiijada baaritaanka iyo magacyada shaqsiyaadka ku eedeysan, kuwa loo xiray ama shaqada looga eryay.
2) Soo gudbin qorshaha Wasaaradda Gaashaandhiga uga dejisan daboolida saadka ciidanka Danab ee la jaray?
3) Soo gudbin sababta ka dambaysay in mushaharki iyo saadkii Ciidanka Isu- taga-Imaaraadka Carabtu damaanad qaadeen la jaro? Yaa u eedaysan? Maxaa Wasaaradda uga meel yaala ciidankaa?
4) Sidee lagu bixiyaa qandaraaska raashinka iyo shidaalka ee dhamaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka?
Soo gudbi habraacyada loo maray iyo magacyada Shirkadaha ku guulaystay. Soo gundibnta suaalaha sare ku xusan waxay gogol dhig u yihiin u diyaar garoowga kulan dhex mara Guddiga Difaaca iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka, kulankaas oo noqon doona mid daah furan kuna salaysan arimaha sare ku xusan iyo dhamaan howlaha ku gedaaman Ciidanka Xoogga Dalka.
Wada Shaqayn Wacan;
Ahmed Abdi Kooshin
Xoghayaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka,