Guddiga difaaca Puntland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garowe ayaa soo saaray go’aanadii ugu kulullaa ee ku saabsan dagaalka kala dhaxeeya Maamulka Somaliland.
Waxa go’aanada Guddigaan Difaaca Puntland akhriyey Guddoomiyaha Guddiga oo ah Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad) oo ay garab taagnaayeen xubnaha kale ee guddiga, waxayna sheegeen inay dhaqan galeen qodobadaasi.
11 Qodob ayey shaaciyeen Wasiirada Puntand ee ka mida Guddiga oo saxaafadda la hadlay, waxaanna qodobadda dagaal ee ku jiray go’aanada ka mida ciddii lagu qabto gacan-siinta Somaliland in tallaabo adag laga qaadayo oo isugu jira dil iyo hantida lagala wareego.
Go’aanada waxa ka mida in dil-toogasho ah lagu fulinayo qof kasta oo lagu helo isagoo sir u gudbinaya maamulka Somaliland ama jaajuusnimo ula shaqeeya iyo in lala wareegayo dhammaan hantida uu leeyahay qofkii maamulka Somaliland ku gacan-siiya dagaalka kala dhexeeya Puntland.
HOOS KA AKHRISO QODOBADDA
1. Waxaa lagu wargelinayaa shacabka reer Puntland in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay xoreynta Gobolka Sool
2. Aragti kasta oo ka soo horjeeda Puntland midnimadeeda, wadajirkeeda iyo xorreynteeda waa dambi qaran, cidii aamisana waxaa loo aqoonsanayaa u gargaare cadow, sidaa daraadeed waxaa lagu qaadayaa xeerka ciqaabta.
3. Hub kasta oo ku sifoobey ama loo arko inuu lid ku yahay xoreynta dhulka maqan, wuxuu la mid noqonayaa hubka cadowga.
4. Taliye ciidan iyo masuul kasta oo xil ka haya maamulka Hargeysa oo ka soo baxa mudada hawl galka wuxuu muteysanayaa abaal marin.
5. Qof kasta oo ka soo jeeda deegaamada Puntland oo u shaqeeya maamulka Hargeysa, kana tanaasuli waaya hagardaamada iyo waxyeelada, shacabka reer Puntland wuxuu mudanayaa xeerka ciqaabta Puntland.
6. Qof kasta oo cadoga Puntland qariya, ama gabbaad siiya isagoo ujeedadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo shacabka iyo dowladda Puntland, qofkaas wuxuu la dembi yahay cadowga uu qariyey wuxuuna ku sifoobayaa cadow, waxaana lala tiigsanayaa sharciga.
7. Qofkasta oo gacan siiya qof u shaqeeya maamulka Hargeysa oo ay ku cadaato khiyaamo, jaajuusnimo ama siin xog waa dil aan lahayn mag.
8. Malaha mag ama godob, taliyaha, askeriga ama masuulka ka soo jeeda Puntland ee lagu dilo dagaalka isagoo u diriraya maamulka Hargeysa.
9. Hanti kasta oo uu lee yahay qof reer Puntland ah oo loogu shaqeeynayo maamlka Hargeysa waxaa la wareegaya Dowladda Puntland.
10. Maxkamadda ciidamadu waxay waajib keeda ka gudanaysaa cidkasta oo fal dambiyeed ka geysata goobta dagaalka sida, dhac, kufsi, amar diido, dil loo geysto dad rayid ah ama cid kale oo ka tirsan ciidamada iwm ah.
11. Dowladda Puntland waxay caddeyneysaa in aysan cadow ku ahayn shacabka ku nool gobolada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya nabadgelyadooda iyo jiritaankooda, isla markaana waxay soo dhaweyneysaa cidkasta oo dooneysa xoojinta wadajirka umadda Soomaaliyeed iyo xasiloonideeda.
Xiisada colaadeed ee Puntland iyo Somaliland ayaa sii kordheysa kadib dagaal qaraar oo dhowaan labada dhinac ku dhex maray degaanka Tukaraq, waxaana Puntland ay ugu baaqday inay abaalmarin siineyso dadka kasoo jeeda Puntland ee xilalka ka haya Somaliland haddii ay isaga baxaan.