Thursday, July 17, 2025

Guddiga Doorashada Federaalka oo diiday inuu aqoonsado Natiijada Kursigii laga hor istaagay Jawaari

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa diiday ansixinta KMG ah ee natiijada kasoo baxday doorashadii Kursiga uu hakiyey ee HOP103, kaasoo uu kusoo baxay wasiir ka tirsan Mamulka K/Galbeed.

Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa hakiyey kursigan oo inuu u tartamo loo diiday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh CUsmaan (Jawaari), lakiin waxa go’aankaasi ku gacan seryay oo doorashadii qabtay Guddiga Doorashada maamulka K/Galbeed oo ka amar qaata Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen.

Gudiga Doorashada heer federaal ayaa shaaciyey natiijada 3 kursi oo shalay lagu doortay magaalada Baydhaba, balse wuxuu meesha ka saaray natiijada kursiga Hop#103 oo dacwad ka furan tahay, taasoo ka dhigan inuusan aqoonsaneyn doorashasdii dhacday.

Kursiga muranku ka taagan yahay ee HOP#103 waxaa kusoo baxay Maxamed Cali Xasan oo ahaa Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud Koonfur Galbeed, kaasoo uu watay Madaxweynaha K/Galbeed, kaasoo helay 78 cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sii wada doorashada Golaha shacabka, waxaana maanta 29 November 2021, magaalada Baydhaba lagu dooranayaa, kuraasta kala ah:

HOP#154 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhiday Sareeda Maxamed Cabdalla

HOP#213 oo Baarlamaankii 10-aad uu ku fadhiyy Yacquub Cali Maxamed

HOP#180 oo ahaa kursi uu ku fadhiyey Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulle (Dr. Go),balse ka haray inuu u tartamo

iyo HOP#193 oo uu ka geeriyooday AUN Maxamuud Maxamed Boonow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON