Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray goor dhoweyd Habraaca Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, xilli la filayey inay ka wadahadlaan oo ay soo saraan Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo inuu Muqdisho shir uga furmo.
Habraacan ayaa awoodda siinaya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, waxaana ku jira shuruudaha loo marayo hanaanka doorashada Golaha Shacabka ee 2020/2021.
HOOS KA AKHRISO HABRAACA
Iyadoo; la tixraacayo qodobka 1aad ee sharciga Doorashada 2020/21, kaasoo waafaqsan qodobada 64 (1) iyo 72 (1) ee Dastuurka KMG, ayaa Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya dib u dhigay qabashada Doorashooyinka tooska ah ee Baarlamanka 11aad ee 2020/21 iyo dhaqangalka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal Lr.23 A 20/feb/2020. Haddaba, iyadoo labada aqal ee Baarlamaanka 11aad ee JFS lagu soo dooranayo nidaamka doorashada dadban ee waafaqsan heshiiska siyaasadeed ee 17 Sebteembar 2020, ayaa waxaa la diyaariyay habraaca doorashada 2020/21 oo saldhig looga dhigay heshiisyadii hirgalinta doorashada 2020/21 ee heer Federaal.
Sidoo kale, habraaca doorashada 2020/2021 wuxuu asal ahaan ku saleysan yahay muddada xaddidan ee uu qeexayo Heshiiska Siyaasadeed oo ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Qaab-dhismeedka Guddiga Xulista Ergada
1- Ergada Doorashada waxaa soo xulaya Guddiga Xulista Ergada oo ka kooban odaydhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga.
2- Beel ama Jifo kasta ee wadaagta kursi waxaa xulista ergada ku matalaya 3 oday dhaqameed oo jifadaas ama beeshaas ah iyo labo (2) wakiil oo ka socda bulshada rayidka ee beeshaas/Jifadaas, labada wakiil ee bulshada rayidka waa in mid ka mid ah tahay haween.
3- Xullidda eragada Somaliland waxay noqonaysaa wadaag.
4- Ergada wax dooranaysaa waa inay matalaan dhammaan jilibyada ay ka kooban tahay jifada ama beesha kursiga iska leh.
5- Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Xulitaanka Ergada (GXE) kama tirsanaan karto guddi xulis ergo kursi kale.
6- Kursi kasta ee ka mid ah 275ta kursi wuxuu lahaanayaa guddi shan xubnood ah oo soo xula ergo (101).
7- Xubin ka tirsan Guddiga Xulista Ergo ma noqon karo guddi xulista ergo kale ama murashax doorashada u tartama.
8- Guddiga Xulista Ergada wuxuu u soo xulayaa ergada doorshada si wadarogol ah.
Bulshada Rayidka waa:-
- Guddiga Xulista Ergada kursi waliba waxaa uu yeelanayaa labo (2) xubnood oo ka
socda bulshada rayidka ah. - Labada (2) xubnood ee bulshada rayidka matala waa in xubin kamid ah haween
noqoto. - Bulshada Rayidka, waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, ganacsatada, macalimiinta, takhaatiirta, dadka gargaarka ka shaqeeya iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ka soo jeeda beesha ama jifada kursiga iska leh.
