Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa soo saaray Shuruudaha laga rabo mushrixiinta u tartamaya labada xil ee ugu sareysa maamulkaasi.
Shuruudaha oo ka kooban 9 qodob ayaanu ku jirin qodob adag, waxana ugu muhiimsan inuu leeyahay aqoon aan ka yareyn heer jaamacadeed ama waaya-aragnimo hoggaamineed iyo khibrad maamul oo aan ka yareyn 5 sano.
Guddiga ayaa hore u soo saaray jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo dhici doonta 30-ka Bishan Janaayo 2020-ka, iyadoo Ahlu suna ay shaacisay inaysan qeyb ka ahayd Doorashada.
HOOS KA AKHRISO
