Kadib markii Mooshin degdeg ah xilka looga qaaday saaka Guddoomiyihii Baarlamaanka maamulka Puntland C/xakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa goor dhoweyd lagu dhawaaqay Guddi ka shaqeyn doona Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.
Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland oo sheegay inuu xilka sii hayo Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xildhibaan oo qabanqaabinaya Doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiilada Puntland, iyadoo la siiyey waqti kooban oo doorashadaasi ku dhacdo.
Wuxuu shaaciyey in Doorashada guddoomiyaha cusub ay dhici doonto 14-ka bishan November oo ku beegan Khamiista soo socota, iyadoo kulanka xildhibaannada Baarlamaanka Puntland uu maanta ahaa mid xil ka qaadis ah oo kaliya.