Guddiga Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay & xilliga Doorashada..

Kadib markii Mooshin degdeg ah xilka looga qaaday saaka Guddoomiyihii Baarlamaanka maamulka Puntland C/xakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa goor dhoweyd lagu dhawaaqay Guddi ka shaqeyn doona Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland oo sheegay inuu xilka sii hayo Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xildhibaan oo qabanqaabinaya Doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiilada Puntland, iyadoo la siiyey waqti kooban oo doorashadaasi ku dhacdo.

Ad

Wuxuu shaaciyey in Doorashada guddoomiyaha cusub ay dhici doonto 14-ka bishan  November oo ku beegan Khamiista soo socota, iyadoo kulanka xildhibaannada Baarlamaanka Puntland uu maanta ahaa mid xil ka qaadis ah oo kaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

130,903FansLike
1,339FollowersFollow
3,543FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!