Sunday, July 6, 2025

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo doortay Guddoomiye iyo Xoghaye

Guddiga Qabqabaabada Doorashada Guddoonka golaha Shacabka oo kulankoodii koowaad maanta yeesha ayaa iska dhex doortay Guddoomiye iyo xoghaye.

Guddigan oo ka kooban 10 Xildhibaan ayaa codeyn u qaaday xilka Guddoomiyaha oo ay u doorteen Wasiirkii hore ee Amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo helay 5 Cod, halka xogheynta Guddiga loo doortay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

Qoraal uu soo diray Guddoomiyaha Guddiga ayuu ku sheegay inay sharaf u tahay in loo doorto Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, ayna si degdega u qaban doonaan doorashada si aan waqti kale loo lumin.

Guddigan ayaa si rasmi u gudaha gelaya diyaarinta Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labada ku-xigeen, iyagoo soo diyaarin doona jawdalka Doorashada Shuruudaha laga rabo mushariixinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON